Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka qayb galay Jinaasada AUN xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Madaxdii hore ee dalka ayaa salaadda Janaasada ku tukaday maydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ah dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixiso ee xalay ka dhacay Baladweyne.

Allaha u naxariistee marxuumad Aamina Maxamed ayaa ku geeriyootay qarax ismiidaamin ahaa oo xalay lagula beegsaday magaalada Baladweyne, waxaana maanta aas qaran llogu sameeyay Magaalada Muqdisho.