Ra’iisul wasaare Rooble oo hoggaaminaya Golaha wada tashiga qaran ayaa kulan la qaatay Wakiilada beesha caalamka Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hogaaminaya xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir looga hadlayo Arrimaha Geedi socodka Doorashooyinka ee Dalka ka bilowday la leh Wakiiladda Beesha Calamka ee Soomaaliya.

Golaha wadatashiga qaran oo uu garwadeen u yahay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku gudo jira u diyaar garawgii ugu dambeeyey ee lagu dhamaystirayo hanaanka doorashooyinka dalka.