Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyo u diray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Waxaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeyeyaasha, Saraakiil xigeennada, Dableyda, Alifleyda iyo Qoysaskooda ugu hambalyeynayaa sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Boolisku waa tiir-dhexaadka iyo hormuudka Ciidammada Qalabka Sida ee dalka. Waxaan u rajeynayaa horumar iyo guulo joogto ah.