Ra’iisul wasaare Rooble oo bogaadiyay guddigii loo xil-saaray doorashada kuraasta laba aqal ee Somaliland

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa si weyn u bogaadiayay guddigii u xil-saarnaa doorashada xildhibaannada labada Aqal ee BFS ku matala Soomaaliland, ka dib xaflad casha sharaf ah oo xalay ka dhacday Muqdisho.

Mudane, Rooble ayaa xubnaha guddiga doorashada Soomaaliland ku ammaanay dulqaad iyo karti dheeri ahy maaddaama ay howshii loo igmaday soo gaba-gabeeyeen ka hor xilligii lagu ballamay oo ahay 25-ka bishan, wuxuuna maamul goboleedyada kale faray inay dardargeliyaaan doorashada.

Guddigii loo xil-saaray doorashada kurasta laba aqal ee Somaliland ayaa waqtigii loo asteeyay ka hor soo afjaray doorashada 11-xubnood oo Aqalka sare ah iyo 46 golaha shacabka ah, kuwaas oo markii la isku geeyo ah 57-xildhibaan.