Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS oo daahfuray Mashruuca iskaashiga Caalamka ee waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka XFS Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa maanta daahfuray Mashruuca iskaashiga Caalamka ee waxbarashada dalka.

Mashuurcan oo ay dowladda Soomaaliye ka taageerayaan saaxiibbada Caalamka ayaa ah mid kor loogu qaadayo hannaanka waxbarashada dalka, iyadoo is beddal lagu sameynayo waxbarashada dalka.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka waxbarashada, Wasiirka Maaliyadda, wakiillo ka socda beesha Caalamka iyo marti sharaf kale.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah Barnaamijka GPE oo ah Barnaamij lagu taageero waxbarashada dalalka soo koraya oo dowladda Soomaaliya ay codsatay.