Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo xilalka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee wasaaradda Gargaarka iyo Wasiir-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed  Jamaac, ayaa xilalka u kala wareejiye wasiirkii hore ee Wasaaradda gargaarka iyo Wasiir-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha munaasabad ku qabsoomtay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,Gargaarka iyo masiibooyinka ayaa hore u ahayd wasaaradd.

Wasiiru dawlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa Wasiirkii hore Gargaarka iyo Masiibooyinka ahna Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqal Insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye kala wareegay taasi oo hoos imaanaysa Xafiiska Wasiirru-dowlaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in masiibooyinku yihiin wax laga ducaysto, balse mar walba ay tahay in laga diyaar garoobo, isagoo intaa raaciyay in Xukuumadda Dan-Qaran ahmiyad gaar ah siin doonto ka hortagga masiibooyinka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahad celiyey Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye, shaqadii ay Wasaaradda ka soo qabatay muddadii ay hoggaaminaysay, isagoo Wasiiru-dawlaha Alle uga baryey inuu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday.