Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka 11-aad

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar, ayaa qaatay Shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga hirgalin doorashooyinka heer Federaal ayaa maalintii Afaraad  wada shahaado siin Xildhibaanada cusub Xildhibaanimo ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ku dhawaad 160 xildhibaan ayaa qaatay shahaadada rasmiga ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wax ka yar sagaal maalin ayaa ka harsan waqtiga shahaado siinta xildhibaanada, 14-ka bishaan ayaa la dhaarinaya xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya sida ku cad jadwalka dhammeystirka dooorashada ee uu soo saaaray Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT.