Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS oo guddoomiyay shirka Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa maanta shir guddoomiyey Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha.

Guddiga ayaa soo bandhigay waxqabadkoodii iyo mashaariicda hir-galay sannadkii la soo dhaafay iyadoo la waafajinayo qorshaha Xukuumadda #DanQaran.

Sidoo kale, guddiga ayaa shirka ku soo bandhigay qorshooyinka ay dejiyeen ee la xiriira mashaariicda horumarineed ee sannadka cusub la filayo in la fuliyo.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa faray xubnaha Guddi Hoosaadka Tiirka Dhaqaalaha ee Xukuumadda in ay dardar geliyaan fulinta qorshooyinka laga sugayo sannadka 2023.