Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo Furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

Bandhiggan oo ah midkii 8-aad ayaa waxaa kasoo qayb galay aqoonyahanno, macallimiin, arday iyo qorayaal Soomaaliyeed oo ka kala yimid goobo kala duwan.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa ayaa Bogaadiyay Qorayaasha Soomaaliyeed kaalintooda dowlad dhiska dalka, iyo Kobcinta garaadka Bulshada, isaga oo sheegay muhiimadda akhriska iyo qoraalku u leeyihiin dalka ay tahay mid lama huraan ah.

Mudane Saalax ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go,antahay ahmiyad siinta iyo dhiirri gelinta akhriska iyo qoraalka, isaga oo si wayn ugu mahad celiyay masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyayaasha bandhiggan buugaagta ee Muqdisho.