Ra’isul wasaare kuxigeenka XFS ahan Kusimaha Ra’isul wasaaraha mudane Salah Jamac oo daahfuray kulanka heerkiisu sareeyo ee Xasillinta iyo Soo kabashada hore ayaa khudbaddiisa waxaa u mahadceliyay xoogga dalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah howlaha ay ka wadaan ee ladagaalanka argigixisada.
“Sharciyadda dowladda Soomaaliya waa sida ay u gaarto meelaha ay joogaan Al-Shabaab, 4 milyan ayaa ku hoos noolaa Al-Shabaab 15 sano ee lasoo dhaafay iyaga oo u baahan waxbarasho iyo arrimo kale” ayaa hadaladiisa ka mid ahaa”.
Mudane Salah Jama oo sii hadlaya ayaa sheegay in Xasillinta ay qeyb ka tahay in argigixisada laga saaro meelaha ay hadda heystaan, isaga oo carabta ku dhuftay in dagaalka lagu qaadayo argigixisada Shabaab uu dhaafi doono webiyada.
Ra’isul wasaare ku xigeenka Soomaaliya mudane Salah Jamac waxaa uu soo qaatay in meelaha la xoreeyo ay tahay in wax laga qabto baahiyada sida dhismaha dowladaha hoose, booliiska iyo amniga, cadaaladda, soo celinta kala dambeynta iyo howlo kale.
Ugu dambeyntii, Ra’isul Wasaare Kuxigeenka ahna Kusimaha mudane Salah Jama waxaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in ka hoggaan ahaan ay ka doonayaan hey’adaha heerarka kala duwan ee dowladda Soomaaliya ee ka shaqeeya Xasillinta ay mas’uuliyadooda qaataan, lagulana xisaabtami doonno, halka beesha caalamka laga doonayo in ay u fahmaan Xasillintu in ay tahay istaraatiijiyad qaran iyo xalka siyaasad qaran, waxaana uu kula dardaarmay dhammaan dhinacyada Xasillinta in ay wadashaqeeyaan, oo ay ka fogaadaan tartan iyo shaqo lasoo celceliyo.


