Minnesota-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, isaga oo uga warbixiyay horumarka ballaaran ee dalka ka socda iyo qorshaha dowladda ee xoojinta amniga, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta doorashooyinka tooska ah.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa uga mahadceliyay culimada iyo ganacsatada kaalinta ay ka qaadanayaan horumarka dalka, abuurista fursado shaqo, iyo taageerada barnaamijyada horumarineed ee dowladda.
R.wasaare xigeenka ayaa xusay in doorka qurbajoogta Soomaaliyeed uu yahay mid lama huraan ah, maadaama ay door weyn ka ciyaaraan kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka. Sidoo kale wuxuu ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee gobolka ku boorriyey in ay sii xoojiyaan isku-duubnida, wadashaqeynta, iyo kalsoonida lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya.