Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay Shirka Dardargelinta Istiraatiijiyadda iyo Qorshaha Guddiga Qaran ee Fududeynta Ganacsiga (NTFC).
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in fududeynta Ganacsigu ay tahay tiir muhiim u ah hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isla markaana ay door weyn ka qaadanayso kobcinta Dhaqaalaha, dhiirrigelinta Maalgashiga iyo sare u qaadidda Tartanka Ganacsiga Dalka, isagoo soo dhaweynaya Wufuudda ka socotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo ka qaybgalayaasha kale, wuxuu adkeeyay muhiimadda ay leedahay is-waafajinta Xeerarka iyo habraacyada Ganacsiga, xoojinta heerarka iyo Kaabayaasha hubinta tayada, iyo ka saarista caqabadaha dib-u-dhiga Ganacsiga, isla markaana kordhiya kharashaadka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa sidoo kale xusay in Ganacsiga u dhaxeeya Dalalka Afrika uu weli ka hooseeyo heerkii la hiigsanayay, waxaana uu ku boorriyey in mudnaanta koowad la siiyo xoojinta Ganacsiga Dalalka Deriska la ah Soomaaliya.




