Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo furay munaasabad lagu soo bandhigay dardargelinta Mashruuca Saabuun ee Jowhar (JOSP)

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta furay munaasabad lagu soo bandhigay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP) oo in muddo ah lagu howlanaa sidii loo hirgelin lahaa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in mashruucani yahay mid qaran oo tiir-dhexaad u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee (2025–2029), kaas oo kor u qaadi doona maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha.

Mashruuca kaydka biyaha ee Jowhar (JOSP) ayaa horseedi doona in dadkeenna ay si buuxda uga faa’iideystaan kheyraadka dalka, isla markaana uu dalku ka maarmo kaalmo shisheeye, iyadoo hadii uu hirgalo mashruucan ay ka faa’iideysan doonaan in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Shirkan waxa ka qayb galay mas’uuliyiinta dowladda, bahwadaagta horumarineed, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah,waxaana diiradda lagu saaray dib u eegista horumarka JOSP, xallinta caqabadaha fulinta iyo xoojinta taageerada farsamo, dhaqaale iyo siyaasadeed ee wejiga xiga ee mashruuca.