Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee XJFS oo Muqdisho ka furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Muqdisho(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Aduunka, oo loo dabaal dego 10-ka December sanad kasta.

Munaasabaddan, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XJFS, ayaa sanadkan lagu soo bandhigay guulaha wasaaradda ka gaartay horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin:

Dib-u-soo celinta waajibaadka Xuquuqul Insaanka ee dalka in ka badan 30 sano.

Meel-marinta sharciyo muhiim u ah horumarinta iyo difaaca Xuquuqul Insaanka.

Dhismaha Guddiga Madaxa Banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Munaasabaddaan ayaa sidoo kale ku astaysan 77 sano guuradii tan iyo markii la aqoonsaday Maalinta Xuquuqul Insaanka sanadkii 1948-dii. Soomaaliya waxay ka mid tahay 199 dal ee maanta u dabaal degaya xuska maalintan caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka Aduunka.