Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Labaad ee JFS, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta xarigga ka jaray Machadka Cilmi-baarista Beeraha, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee machadku ku leeyahay horumarinta cilmi-baarista, kordhinta wax soosaarka beeraha, helidda abuur tayo leh iyo taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in door muhiim ah uu Machadka Cilmi-baarista Beeraha ka qaadanayo horumarinta wax soosaarka beeraha iyo taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed.
Barnaamijka furitaanka waxaa ka qaybgalay ganacsatada ku hawlan beeraha, dhalinyarada aqoonta iyo khibradda u leh cilmiga beeraha, haweenka beeraleyda ah, jaamacadaha, iskaashatooyinka beeraleyda, iyo Agaasimayaasha Guud ee ka socday qaar ka mid ah Wasaaradaha Beeraha iyo Wasaaradaha Xannaanada Xoolaha ee Dowlad-goboleedyada dalka.
Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka soo qaybgalay Safiirka Safaaradda Dowladda Qatar, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO Somalia) iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP Somalia), kuwaas oo door muhiim ah ku leh taageeridda horumarinta beeraha iyo sugnaanta cuntada Soomaaliya.

