Ra’iisul wasaare ku xigeenka ee XFS cusub oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamza Cabdi Barre, ayaa xilalka u kala wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Salax Jaamac  iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore Mudane, Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee xilka wareejiyey, sidii howlkarka ahayd ee u soo hoggaamiyey Xafiiska, isagoo xusay shaqadii adkayd ee mudadaas uu u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka cusub ee XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac in allaha u fududeeyo shaqada culus ee hortaalla, waxuuna ku tilmaamay nin shaqo yaqaan ah, lehna xirfad hoggaamineed oo ay ka faa’iideysan doonaan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore, ayaa ku wareejiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, dukumiintiyo iyo hannaanka shaqo ee Xafiiska Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.