Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka oo Xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo xafiiskiisa ku qabtay  Shir looga hadlayay dhismaha Wadada Jaziira oo ka tirsan Degmada Wadajir,shirkan ayaa waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish)

Shirkaan oo uu Shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Maaliyadda DFS iyo Danjiraha Dowladda Turkia u fadhiya Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii loo dhisi lahaa Wadada Jaziira oo muhiim u ah isu socodka.