Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey Dekedda magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda, mudane Maxamuud Aadan Geesood, Wasiir dawlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda mudane Maxamed Cabdulqadir Dhucle iyo maareeye ku xigeenka Dekedda Muqdisho, ahna ku simaha maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho mudane Cali Xaaji Maxamed.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa waxbixin ka siiyay Ra’iisalwasaare ku xigeenka XFS shaqada baaxadda leh ee ay ummadda Soomaaliyeed u hayso Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, isaga oo intaas ku daray sida ay ugaga go’an tahay horumarinta adeegyada Wasaaradda.
Ugu danbayntii Ra’iisalwasaare ku xigeenka 1-aad ee JFS ayaa bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee ka socda Dekedda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS.