Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh), iyo masuuliyiin kale, ayaa saxiixay buugga tacsida ee loo furay Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf.
Madaxda ayaa goobta kula kulmay ehellada marxuumka iyo masuuliyiin kale, iyagoo tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, qoyska iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf.
Sidoo kale, madaxda ayaa ku ammaantay Alle ha u naxariistee Imaam Maxamed Yuusuf doorkii muuqday ee uu ku lahaa adkeynta nabadda, mideynta bulshada iyo xoojinta wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Waxay Alle uga baryeen inuu janadii Firdowsa ka waraabiyo, ehelladiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.







