Cape Town: Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ku sugan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo ka qaybgalaya Shirka Maalgashiga Biyaha ee Qaaradda Afrika.
Shirkaan waxaa isugu imaanaya hoggaamiyeyaasha Afrika, siyaasiyiin, iyo la-howlgalayaasha horumarinta, si loo dardargeliyo maalgashiga iyo sugnaanta biyaha ee guud ahaan qaaradda Afrika.
Soomaaliya, maalgashiga biyuhu waa mudnaan istiraatiiji ah, waxaana uu muhiim u yahay adkeysiga ka dhanka ah saameynta cimillada sii xumaaneysa, la qabsiga iyo yareynta isbeddelka cimilada, kobaca dhaqaalaha waara, iyo xasilloonida muddada-dheer.