Ra”iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Danjire El Hadji Ibraahima Diene iyo ku xigeenkiisa Mudane Mouktar Ousman Karie.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa soo dhowayn kadib, Danjiraha la wadaagay hawlgallada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, isaga oo xusay guulaha muhiimka ah ee laga gaaray la-dagaallanka argagixisada, waxaana uu ka mahadceliyey doorka ciidamada Midowga Afrika ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM.

Danjiraha cusub ee dhowaan lasoo magacaabay Mudane Hadji Ibrahima, oo ka mahadceliyey soo dhowaynta iyo qaabilaadda Ra’iisul Wasaaraha, ayaa bogaadiyey Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, sida ay uga go’an tahay dadaallada amni iyo dib-u-dhiska dalka, isaga oo xaqiijiyey in Midowga Afrika ay ka go’an tahay in ay si buuxda u taageeraan qorshaha kala-guurka ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay kula wareegayaan amniga dalka.