Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee u jooga Dalka Soomaaliya, Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al Nucaymi, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xariirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.
Kulanka ayaa looga hadlay dadaallada lagu wajahayo xaaladda abaaraha saameeyey 4.4 Milyan oo ka mid shacabka Soomaaliyeed ah ,iyo sidii loo ambo-qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ku taageerto dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Qatar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo si gaar ah arrimaha bani’aadanimada oo ay ku jirto gurmadka abaaraha soo laab laabtay ee dadkeena saameeyey , isaga oo xusay in Dowlaada Qatar ay weligeed u ahayd Dowladda Soomaaliya saaxiib dhow oo ka jawaaba xaaladaha adag.
Danjiraha dowladda Qatar u fadhiya Dalka Soomaaliya Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al- Nucaymi ayaa xusay in dowladda Qatar ay sii wadeyso taageerada iyo garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed iyada oo ka qeyb qaadaneysa ka jawaabidda xaaladaha bani aadanimo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadaysaa wada shaqeynta ballaaran ee ay la leedahay dowladdaha aan saaxiibka nahay iyo hay’adaha caalamiga ah si loo hubiyo in gurmadka iyo taageerada joogtada ah si ay u gaaraan bulshada ay abaartu saameysay.


