Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya mudane Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, horumarinta Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo arrimaha bini’aadanamida oo Dowladda Qatar ay ka gacan siiso Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.