Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si Shaqsi ah ugu hambalyeeyay Saddexda Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare, kaas oo Sanadkan ay u fariisteen in ka badan 40 kun oo Arday.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ardaydan u sheegay in Dowladda ay damaanad qaadday Waxbarashadooda Jaamacadeed ee heerka Koowaad.

