Ra’iisul Wasaaraha XFS oo tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Danab

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa maanta gaaray Saldhigga Ballidoogle, isaga oo tababar usoo xiray ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee xoogga dalka.

Ciidamadan oo qaatay tababar sare oo la xiriira difaaca dalka iyo ciribtirka Khawaariijta, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku bogaadiyay dedaalka ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday tababarro sare loogu qaadayo tayada ciidamada qalabka sida, si `loo soo celiyo awooddii isku filnaansho ee ay lahaayeen ciidanka xoogga dalka.