Ra’iisul Wasaaraha XFS oo shirka wadatashiga Arrimaha Doorashooyinka ugu yeeray Madaxda Maamul-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda Maamul-goboleedyada iyo gobolka banaadir 20ka May si ay uga arinsadaan hirgalinta heshiiskii 17September ee ay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir isku afgarteen sanadkii hore.

War-saxaafadeed uu akhriyay Afayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimoo ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayo madaxda shirka ku casuuman in ay yimaadaan 20ka ka hor si shirka uu u furmo maalinka loo asteeyay oo khamiis ah.

Sababta muddadaas dib loogu dhigay ayuu Macalimuu ku sheegay in la isla gartay in waddaca keddib uu shirka noqdo maaddaama lagu jiro tobankii danbe ee Ramadaanka, sidoo kalena ay ku xigi doonto ciiddii iyo maalmihii Waddaca.