Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee shalay la doortay, ayaa ugu hambalyeeyay xilka culus ee ay u qaadeen shacabka Soomaaliyeed, si ay ugu matalaan danahooda ku aaddan wax-wada-qabsiga Urur goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in doorashada Xildhibaannadani ay tahay guul muhiim u ah Soomaaliya, taas oo muujinaysa doorka uu dalkeennu ku leeyahay ururrada iyo siyaasadda gobolka Bariga Afrika.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku dhiirrigeliyay xildhibaannada cusub in ay si firfircoon uga shaqeeyaan difaaca danaha, iyo horumarinta codka Soomaaliya ee EAC, isla markaana ay ku dadaalaan xoojinta xiriirka, mideynta iyo horumarka gobolka.