Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Woqooyi

Muqdisho- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaannada kasoo jeeda gobollada woqooyi, isagoo kala hadlay arrimaha doorashooyinka ee uu hormuudka ka yahay.

Mudane Rooble ayaa xildhibaannada u xaqiijiyay in guud ahaan doorashada dalka, gaar ahaanna kuraasta gobollada woqooyi loo maamuli doono si daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi.