Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay madaxa hay’adda horumarinta Kuuriyada Koofureed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha hay’adda horumarinta Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug leh loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Madaxweynaha hay’adda KOICA ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in ay taageeraan hindisayaasha uu Raii’sul Wasaaraha kala hadlay, gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.