Ra’iisul wasaaraha XFS oo kulan wada tashi ah la qaatay Dhallinyaradda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre, oo sii wada wadatashiyada ku saabsan dhismaha Xukuumadda ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb-galka horumarka, isagoo xusay in ay yihiin mustaqbalkii dalka, taladooduna ay tahay mid wax tar leh oo lagu kaabayo dowladnimada.

Kulanka inta uu socday, ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo dhalinyarada qey-bahooda kala duwan, waxa ay is dhaafsadeen su’aallo ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo, iyo sidii ay fursado shaqo ugu abuuri lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed.