Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Djibouti ayaa la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda  Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa madaxweyne Geelle uga mahad celiyay kaalintiisa nabadeynta iyo dowlad dhiska  Soomaaliya.