Ra”iisul wasaaraha XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF

New York(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin.

Kulanka ayaa looga hadlay daddaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib.

Agaasimaha IMF-ta ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta oo maraya heer gabagabo ah.