Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeybgalay munaasabadda xuska 26-ka Juun

Dhuusamareeb- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin ku aaddan munaasabadda 26-ka Juun ee sannad-guurada 66-aad u direy shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeybgalayay munaasabadda xuska 66 guurada maalinta xornimada qaateen Gobolada Waqooyi ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin ku weyn taariikhda Soomaaliyeed, maadaama ay astaan u tahay halgankii dheeraa ee loo maray gobanimada, midnimada, iyo xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ahayd in ay yeeshaan dowlad xor ah oo madax-bannaan.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa xusay in geesiyaashii naftooda u huray xorriyadda dalka ay waajib ku tahay jiilasha maanta ilaalinta halgankii ay u dhinteen oo ahaa Soomaaliya mid ah wadajirta iyo in la xoojiyo nabadda, horumarka iyo xasilloonmida dalkeenna.

“Caawa oo kale waa habeen qiimo gaar ah ku leh xasuusta shacabka Soomaaliyeed, waanna habeen aynu ku xasuusanno geesiyaashii iyo halgamayaashii naftooda u huray sidii ay ummaddeennu u heli lahayd xorriyad iyo karaamo. Waxa ina saaran masuuliyad ah in aynu ilaalinno midnimada, wadajirka iyo dowladnimada dalkeenna, si joolasha soo socda ay ugu noolaadaan Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo ka hanaqaadda himilooyinkii ay u soo halgameen aabbayaasheen iyo hooyooyinkeen”. Ayuu yiri Ra;iisul Wasaare Xamsa Cabdi Baare.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan wadajirka Qaranka, difaaca madax-bannaanida dalka iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo Soomaaliya nabdoon, xasilloon oo horumarsan.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa u mahdceliyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, hoggaamintiisii wanaagsanayd, isaga oo ku bogaadiyey doorkiisa ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka qof iyo codka ah ee dhowaan ka qabsoomi doonta dowlad-goboleedka Galmudug.

Munaasabadda kadib, Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaan  ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee u xil-saaran maamuuska Calanka.