Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Hambalyo ku aadan sanad guuraddii 61 aad u diray ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya,sida lagu xusay qoraal ka soo baxay xafiiska Mudane Rooble.

Qoraalkaan oo lasoo dhigay barta Facebook-ga ee RW rooble waxa uu u dhignaa sidatan

Maanta oo ku beegan sanad guuradii 61aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaan hambalyo u dirayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, dableyda, alifleyda, xaasaskooda iyo qoysaskooda.

CXDS waa laf dhabarta difaaca Qaranka Soomaaliyeed waana kuwa dhaxanta iyo dhamacda u taagan cadowgana u jilib dhigaya si aan nabad ugu ladno.

CXDS waxaan u rajeynayaa guulo iyo horumar is daba joog ah , Waxaan Eebbe ka barayayaa in uu u naxariisto inta geeriyootay iyagoo Qaranka difaacaya una boogo dhayo kuwa dhaawacmay.