Ra’iisul wasaaraha XFS oo habka Fogaan Aragga Shir kula qaatay Gudiyadda Doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo habka fogaan aragga shir kula yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka, ayaa faray in ay ilaaliyaan hufnaanta doorashada.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa Gudiyadda faray inay ilaaliyaan wadashaqeynta dhexdooda ah, si doorashadu u noqoto mid lagu kalsoonaan karo.