Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025 (SIGF 2025), oo sanadkan la qabtay markii saddexaad.
Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025 ayaa noqotay meel ay ku kulmaan dowladda, shirkadaha tiknoolojiyadda, khubaro iyo daneeyayaal kale, si loo mideeyo aragtida Soomaaliya ee maamulka internet-ka iyo ka faa’iidaysiga fursadaha dhijitaalka ah ee mustaqbalka.
Furitaanka madashan ayaa muujinaysa sida dowladda Federaalka ay mudnaanta u siinayso dhisidda kaabayaasha dhijitaalka ah, kor u qaadista helitaanka internet ammaan ah oo la isku halleyn karo iyo dhiirrigelinta adeegyo casri ah oo ku dhisan hal-abuur iyo hufnaan dowladeed.
			
		
