Ra’iisul Wasaaraha XFS oo booqday xarunta safaaradda DFS ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqday xarunta safaaradda DFS ku leedahay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Mudane Rooble ayaa kormeeray qeybaha  kala duwan ee safaaradda, warbixinna ka dhageystay safiirka iyo howl wadeennada.

Danjiraha Soomaaliya u jooga Doxa Cabdirizaaq Faarax Cali ayaa Ra’iisul wasaare Rooble siiyay war bixin ku aaddan habka ay u shaqayso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato muwaaddinniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Qadar.