Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo qaabilay Danjiraha Dalka Cumaan u jooga Soomalliya

Muqdisho,(Wargeyska Dalka):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Kulan la yeeshay Safiirka Cusub ee Dowladda Cummaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Taariikhiga ah ee Labada Dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo isku-xirka Gaadiidka.

 

Kulanka ayaa xoogga loogu saaray muhiimadda ay leeyihiin Marin-Biyoodka, fududeynta isu-socodka Gaadiidka, Badeecadaha, iyo xoojinta isku-xirka Dekedaha iyo Ganacsiga, si loo abuuro fursado Dhaqaale oo Labada Dal dan u ah.

 

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso xoojinta xiriirka Saaxiibtinimo iyo Iskaashiga Istaraatiijiga ah ee ay la leedahay Dowladda Cummaan.

 

Dhankiisa, Danjire Saalim bin Xabiib Al-Cumeyri, ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweyn diirran, isaga oo adkeeyey ahmiyadda xiriirka iyo Iskaashiga Taariikhiga ah ee ay wadaagaan Labada Dal.