Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sameeyay Magacaabis iyo isku shaandhayn kooban ee Golaha Wasiirrada.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, kadib markii uu arkay Qodobka 120-aad Farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, markii uu tixgaliyay Taladda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaasna garoowsaday baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda kadib markii uu xilkaas banneeyay Mudane Axmed Macalin Fiqi.
Sidaas Darteed, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda u Magacaabay Mudane Saadaq Cumar Maxamed Xasan, isaga oo sidoo kale xilalka isu beddelay Laba Xubnood oo ka tirsan Wasiir-ku-xigeennada Xukuumadda.
Wareegtada Ra’iisul Wasaaraha waxaa akhriyey Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir.

