Ra’iisul wasaaraha XFS iyo Ra’iisul wasaaraha xilka Wareejinaya oo booqday Dhismaha Golaha Xukuummadda oo heer gabo gabo ah maraya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehlinayaan wufuud kala duwan ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah dhismaheedu marayo.

Xaruntan oo dhismaheedo heer gabo gabo ah marayo ayaa loo qorsheeyey inay ku shaqeeyaan Ra’iisul wasaaraha iyo Golaha wasiiradda XFS.