Ra’iisul Wasaaraha Rooble oo furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan taabagelinta geeddi socodka dowladnimada ee xilliga kala guurka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan taabbagelinta geeddi socodka dowladnimada xilliga kala guurka, kaas oo ay ka qeyb galayaan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed.