Ra’iisul wasaaraha JFS oo hambalyo u diray Bareyaasha Soomaaliyeed iyo bahda waxbarashadda

Ra’iisal Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa bareyaasha iyo bahda waxbarashada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo ku beegan 21-ka Nofeembar.

“Munaasabadda Maalinta Macallinka Soomaaliyeed awgeed, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, waxaanna ku bogaadinayaa shaqada dhaxalgalka ah ee tarbiyeynta ubadka iyo soo saarista jiilal aqoon ku hubeysan oo qaranka qiime weyn ugu fadhiya.
Macallinkeen Allow kaal”