Ra’iisul wasaaraha dalka ayaa bogaadiyay Howlgalada ka soconaya qeybo ka mid ah dalka.
Qoraal uu Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre soo dhigay boggiisa Facebook ayuu ku yiri:-
” Waxaan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa dhammaan ciidammada Qalabka sida iyo Xoogaga “Gurmad Qaran” oo garab hagar la’aaneed ka helaaya Shacabkeenna Soomaaliyeed ee ka daalay dhibka iyo arxan-darrada Khawaarijta Alshabaab oo maanta guulo horleh kaso hoyiyay gacantana ku dhigay deegaanno horleh.
Waxaan maanta goordhaweyd khadka telefoonka kula hadlay halyeeyada jiidda hore ee dagaalka kujira si aan hambalyo iyo bogaadin ugu diro.
Waxay ciidammadu maanta la wareegeen deegaannada kala ah;
1. Moqokori oo katirsan Gobolka Hiiraan
2. Ceel-lahelay
3. Labi-dulle
4. Dhabana-heeys iyo
5. degaano kale oo ka tirsan Gobolka Gal-guduud iyo Gobolka Baay kuwaasi oo saaka ay ka saareen maleeshiyaadka nabadiidka ah Al-shabaab.”