Ra’iisul Wasaaraha Jfs Maxamed Xuseen Rooble oo guddoomay deeq gargaar ah.

Ra’iisul Wasaaraha Jfs Mudane, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Ka guddoomay deeq gargaar ah dowladda Imaaraadka Carabtu ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay, isagoo dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.S

Sidoo Kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka sida ay u garab taagan tahay markasta Shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.