Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Tababar u soo xiray gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed,

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble
ayaa Tababar u soo xiray gabdho ka tirsan ciidanka Haramcad ee booliska Soomaaliyeed, isla markaana derajooyin loogu xirayay saraakiil tababar layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar.
Ra’iisul Wasaare Rooble” Waxaan hambalyeynayaa gabdhaha ka tirsan Ciidanka Haramcad ee Booliska Soomaaliyeed ee tababarku u soo dhammaaday iyo saraakiisha tababarka layli sarkaal ku soo qaatay dalka Masar,
Boolisku waa udub dhexaadka Ciidammada Qalabka sida, waana cudud fulinta sharciga, sugidda amniga iyo dhowrista nidaamka dowladnimada ku leh kaalinta ugu weyn.”