Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo sheegay in ay soo saarayaan Qamandi ku filan

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga Deegaanka Tulli Guuleed oo ah dhul Beereed laga beero Qamandiga, Tulli Guuleed ayaa ka tirsan Gobolka Faafan ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Booqashadan ayaa waxa Raii’sulwasaaraha ku weheliyay Madaxweynayaasha deegaanada iyo xubnaha guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo.

Raiisulwasaare Ethiopia ayaa yiri ” waxaan awoodnaa inaan soo saarno qamadi ku filan Ethiopia iyo dalalka kale ba, waddadeediina waan haynaa, waxaana tusaale inoogu filan deegaanka Soomaalida, waxaa abuurmay jawi aan halkii hektar uga soo saari karno 40 kiintaal”.

Ra’iisul wasaare Abiye ayaa xusay in sanaddaha soo socda la sii laban laabi doono xaddiga beerista Qamandiga iyadoo tirada la soo saari doono la gaarsiin doono ilaa 52 malyan oo kiintaal.