Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Lรกszlรณ Eduรกrd Mรกthรฉ, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Raโiisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta Iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah, Nabadda iyo Horumarka Dalka.
Kulanka aya intii uu socday waxaa si gaar ah xoogga loogu saaray Iskaashiga dhinacyada Amniga, horumarinta Dhaqaalaha, Dowlad-dhiska, taageerada Hayโadaha Dowladda iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh Soomaaliya.
Sidoo kale, Raโiisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha warbixin ka siiyey horumarka la gaaray ee dhinacyada Amniga, Dimoqraadiyadda iyo Dowlad-dhiska, iyo sida ay Xukuumadda DanQaran uga goโan tahay xoojinta Dowladnimada, xaqiijinta Amniga, kobcinta Dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada Bulshada, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay Iskaashi dhow oo lala yeesho Saaxiibbada Caalamka.
Dhankiisa, Safiirka cusub ee Midowga Yurub ayaa xaqiijiyey ahmiyadda xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyo sii wadidda wada-shaqaynta lagu taageerayo Nabadda, Xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.




