Ra’iisal wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha cusub Imaaraadka Carabta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya  Soomaaliya Mudane Ahmad Juma Al Rumaithi.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay adkeynta iskaashiga iyo xiriirka u dhaxeeya labada waddan iyo dardargelinta taageerada dhinacyada kala duwan ee ay dowladda Imaaraadku siiso Soomaaliya.