Ra’iisal wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay weerarka argagixiso ee Hotel Xayaat

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliyeed Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa u tacsiyeeyay ehelka dadka wax ku noqday Weerarka Argagixiso ee Hotel Xayaat.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu la beegsadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, dhaawacyadana deg deg u bogsiiyo.,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa ugu baaqay  Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed in ay isu kaashadaan sidii la isaga caabbin lahaa loona cirib tiri lahaa cadowgan har iyo habeen laynaya shacabkeenna.