Ra’iisal wasaare Rooble oo xil cusub u magacaabay Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed  Xuseen Rooble  ayaa wareegto uu soo saaray maanta oo ay taarrikhdu tahay 23//10/2021 ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac (Goobbe) Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u dhiska, isagoo u rajeeyay in uu xilkiisa Eebbe u fududeeyo.

Sidoo kale, Sareeyo Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladdihii kala duwanaa ee dalka soo maray.